Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Qarax ayaa waxaa ku dhintay 14 ruux oo ay kujiraan Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo Shacab ah,waxaana wasiirka uu ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa halka uu caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
“Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno ha helaan ayuu yiri” Wasiirka .
Ugu dambeyn Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaqaalaha caafimaadka ka wareystay xaalada bukaanka isagoo sidoo kale wareystay qaar kamid ah dhaawacyada.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada gaalkacyo, iyaga oo sheegay inay la damacsanaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.



