Mas’uul ka tirsan maamulka Galmudug oo lagu dilay Muqdisho

kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa ay  ku dileen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed.

Haweeneydan ayaa lagu dilay Degmada Warta Nabadda iyagoona dilka ka dib ka baxsaday.

Marxuumadda la dilay ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye  Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoo dilkeeda ku eedeeyay Alshabaab.

Marxuumadda dilay ayaa la sheegay door weyn ku laheyd Abaabulka Hawgalka , ee ay ciidamadu dawlada iyo kuwaa degaanka kula  wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ilaa haadda Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkeeda.