Ruushka oo Markab sida Qamadi gaarsiiyay dalka Masar

Markab Xamuul oo wada Shixnad Qamadi oo ku xirtay Deked ku taalla dalka Masar

Markab Xamuul oo lagu magacaabo “The PAREA dry cargo ship” ayaa waxa uu kusoo xirtay Dekedda Safaga ee dalka Masar ee kaabiga ku haya Badda Cas.

Markabkaasi oo Calanka Malta ka dul qabanayo ayaa waxa uu wadaa Shixnad Qamadi oo laga soo raray Deked ku taalla dalka Raashiya.

Warbaahinta Maxaliga ee Masaarida ayaa sheegtay inuu Markabku wado in ka badan 63,000 oo tan oo Qamadi ah, iyadoo lagu wareejin doono Wasaaradda Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha ee Masar.

In ka badan 13 milyan oo tan oo Qamadi ah ayey Masar soo degsataa sanadkiiba, iyadoo dalalka Ukraine iyo Raashiya yihiin dalalka Qamadiga ugu badan u soo dhoofinta dalka Masar.