Ruushka oo sheegay in uusan Dagaalka 3-aad ku bilaaban doonin Taangiyo

Ku-xigeenka Madaxa Golaha Ammaanka ee dalka Raashiya, Dimitry Medvedev ayaa hadalkaasi ku shaaciyey Qoraal uu maanta soo dhigay Bartiisa Telegram, wuxuuna ku eedeeyey in Isku-dayga dalalka Reer Galbeedka ay Ukraine Hubka ugu soo dirayaan wax ay ku tilmaameen dadaal looga hortagayo Dagaal ka qarxa Caalamka.

 

“Haddii uu qarxo Dagaalka Saddexaad ee Adduunka (WWIII), inuusan ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado Dagaal ” ayuu yiri Dimitry Medvedev oo sii raaciyey haddii uu dagaalkaasi qarxo inay wax kasta boor noqon doonaan.

 

Hadalkiisa waxa uu si gaar ah ugu naqdiyey hadal uu Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto uu ku sheegay inuu Dagaalka Saddexaad ee Adduunka qarxi doono haddii ay Taangiyada Raashiya soo gaaraan Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv iyo Xuduudaha Qaaradda Europe.