Marxuum Ugaas Ciise oo Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Caabudwaaq

Caabudwaaq-RisaalaFM- Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Caabudwaaq gaar ahaan Qabuuraha Dab-casar lagu aasay Marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

Waxaana Aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, Mas’uuliyiin ka kala socotay maamulada Puntland iyo Galmudug, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin, iyo Ra’isal Wasaarayaal xilal kala duwan ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Masuuliyiintii goobta Aaska ka hadashay ayaa ka sheekeysay waxyaabaha uu Ugaaska u sameeyay ummada Soomaaliyeed iyo kaalintii uu ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxdii maanta ka qeyb gashay Aaska Ugaaska ay caawa ku hooyan doonaan Hotelada ku yaalla magaalada Caabudwaaq.

Xaalada guud ee magaalada Caabudwaaq ayaa caawa waxa ay tahay mid degan.