Beledweyne-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigayeen ganacsatada ku nool gobolka Hiiraan.
Banaan baxa ayaa la sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa sicir barar baahsan oo magaalada ka jiray maalmihii la soo dhaafay.
Boqolaal dad oo u badan ganacsatada suuqyada Beledweyne ayaa isu soo baxay waxaana ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo qaarkood sameynayay waxyaabo amniga wax u dhimaya.
Dadka banaanbaxa dhigayay qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay doolarka oo noqday mid cirka isku shareera, ayna ka shacab ahaan dareemeen saameynta uu ku yeeshay.
Maamulka degmada Beledweyne ayaa arrintaasi islamarkiiba jawaab kulul ka bixiyay iyagoo ku dhawaaqay in la soo qab qabto sariflayaal uu sheegay in ay suuqa soo geliyeen lacag cusub oo aan aheyn tii hore.


