Ciyaaryahanka khadka dhexe Man United Marouane Fellaini ayaa laga yaabaa inuu ka maqnaado kooxdiisa muddo laba bilood ah kadib markii uu kusoo cusboonaaday dhaawac dhanka jilibka ah.
Xidigaan reer Belgium ayaa kaliya ciyaaray 7-daqiiqo kulankii ay kooxdiisa guuldarada kala kulantay Tottenham Hotspur, kana dhacay garoonka Wembley.
Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu dhaawac ku jiro Marouane Fellaini, tiiyoo ay jirto inuu garoomada ka maqnaa intii u dhaxeysay November ilaa January.
Independent ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils ay go’aansan doonto hadii xidigaan uu qaliin u baahan yahay iyo hadii kale.
30-jirkaan kalya inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ayaa kaga haray qandaraaskiisa garoonka Old Trafford.



