Inter Milan ayaa habeen dambe la ciyaareysa Crotone kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da, waana markii ugu horeysay oo uu ka maqnaan doono kooxda Mauro Icardi, badalkiisa waxaa loo yeeray mucjisada kooxda yaryar ee Xian Emmers.
Icardi wuxuu ku maqnaan doonaa dhaawac, sidaas darteed waxaa weerarka loo dooran karaa Eder iyo Andrea Pinamonti.
Tababare Luciano Spalletti wuxuu kooxdiisa kusoo daray 18-jirka reer Belgium ee Xia Emmers kaas oo wacdaro ka dhigay kooxda yaryar ee Inter Milan.
Da’yarkaan wuxuu ka qeyb qaatay 8-gool, 2-caawin iyo 6-gool – wuxuuna kaliya saftay 13-kulan.
LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:
Handanovic, Padelli, Berni; Lisandro, Cancelo, Ranocchia, Santon, Miranda, Dalbert, D’Ambrosio, Skriniar; Gagliardini, Rafinha, Vecino, Borja Valero, Emmers, Brozovic; Karamoh, Eder, Perisic, Candreva, Pinamonti.



