Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ka geystay Kuunyo Barow

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn in duqeyn hor leh ay ka geysteen Sabtidii ina dhaaftay degaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay duqeyntan oo lala beegsaday saldhig ururka Al Shabaab ay leeyihiin in lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay duqeyntan oo ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeeleyn, maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.