AS Monaco oo go’aansatay in ay cayriso tababaraheeda Leonardo Jardim iyo Henry oo bedelaya

Kooxda kubadda cagta As Monaco ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aan kagaartay mustaqbalka tabababareheeda Leonardo Jardim.

Kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ayaan si wanaagsan kubilaaban xilki ciyaareedka iyaga oo asbuucan guul darro 5-1 ah ka qaatay kooxda tabbare Thomas Tuchel ee Paris Saint Germain.

Yeelkeede, sida uu boggisa Twitter-ka ku qoray wariyaha caanka ah ee Mootaz Chehade, Monaco ayaa go’aansatay in ay erido tababare Jardim, iyaga oo baddalkiisana la xiriiraray tababare ku xigeenka xulka Belgiun Thierry Hennry.

Hennry ayaa lala xiriirinayay in uu kubiirayo kooxda Championship ka ciyaarta ee Aston Villa taas oo diyaar u ah in ay halayeeygii hore ee Arsenal ay u mgacaawdo tababaraheeda xiga.

Si lamid ah Barcelona ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay in Hennry ku baddalayso tababaraheeda waqtigan ee Ernesto Valverde kaas oo kuguul darraystay in uu kooxda guul gaarsiiyo kulamadii u danbeeyay ee ka ciyaartay La Liga.

Hennry ayaa loo arkaa mid kasoo bixi kara jagada tababarnimo maadaama lagu xasuusto gacantii uu ka gaystay in xulku Belgium ku gaaro kama danabysta koobkii adduunka ee sananddan lagu soo ideeyay Russia.