Mareykanka oo ka hadlay Musuq maasuqa Soomaaliya

USA-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arrimo badan oo Soomaaliya la xiriira ayaa ugu horeyn waxa ay ka hadashay Musuq maasuqa Soomaaliya hareeyay, waxayna balan qaaday in ay kala shaqeyn doonto Dowladda Federaalka ka hortaga musuq maasuqa.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka Bayaan ay soo saartay ayaa marka hore waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sidoo kalena ay mar walba taageerayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay in ay qalabeyso sidoo kalena taageerto Ciidanka Xoogga Dalka, si Shabaab ay uga saaraan guud ahaan Dalka.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inuu sii xoojin doono wada shaqeynta iyo taageerada uu siinayo Dowladda Soomaaliya, si Labada dal ay u sii wadaan xiriirkii wanaagsanaa ee ay soo wadeen.