Bakool-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maalmahan Howlgallo balaaran ka wadaan Tuulooyin hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasi oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan ururka Al-shabaab.
Wadooyinka soo gala Degmada Xudur ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, maadaama Degmada Xudur ay soo gaarayaan shacab tiro badan oo ka soo barakacay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Bakool.
Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya shacabka Degmadaasi ayaa waxa ay wadaan dadaalo lagu sugayo ammaanka, si looga hortago weerarada mararka qaar ka dhaca Degmada Xudur.
Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay Risaala ayaa ka warbixiyay Howlgallada ka socda Gobolka Bakool, gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Xudur.
Warbixinta Warkan waxaa Degmada Xudur ee Gobolka Bakool inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).


