Golaha ammaanka Qarmada Midoobey ayaa waxa ay ka hadleen xaalado badan oo ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan waxa ay si hoose uga hadleen Abaaraha, Ammaanka iyo arrimo kale.
Waxa ay sheegeen marka hore Soomaaliya in ay ka jiraan Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada ee ku nool Soomaaliya, iyagoo sheegay muhiim in ay tahay in wax laga qabto.
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto Abaaraha, inta aysan ku faafin meelo cusub oo aysan hada Abaarta ka jirin, waxayna dhanka kale sheegeen in ay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan.
Dhanka kale Golaha ammaanka QM ayaa waxa ay soo hadal qaadeen ammaanka Soomaaliya, waxayna sheegeen Shabaab in ay halis ku hayaan dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Kenya, loona baahan yahay in wax laqa qabto.
Shabaab ayay sheegeen in ay yihiin dad mar walba dhibaato ku haya Gobolka, waxay tilmaameen in ay qalabeyn doonaan Ciidanka Xoogga Dalka, si ay isaga difaacaan Shabaab oo hada Dagaal adag kula jira.
“Xubnaha Golaha Ammaanka waxaa ka go’an in ay taageeraan nabadda, xasiloonida iyo horumarka ka jira Soomaaliya, si taasi loo gaaro waxaan ku bixin doonaa dadaal dheer” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay.
Ugu dambeyntii Golaha ammaanka Qarmada Midoobey ayaa waxa ay sheegeen in ay garab istaagi doonaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, oo hada ku talaabsaneysa hormaro rajo iyo ifafaalo leh.


