Mareykanka oo ka hadlay isa soo dhiibitaankii Abuu Mansuur

USA-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay markii ugu horeysay ka hadashay isku soo dhiibataankii Abuu Mansuur uu isku soo dhiibay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweyneyso go’aanka Abuu Mansuur uu ku cadeeyay fikirkiisa, oo uu sheegay in Shabaab uu ka baxay Shan sano iyo Todobo bilood ka hor.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay Dowladda Soomaaliya in ay ku dhiiragelineyso hanaanka ay ula dhaqmesyo xubnaha Shabaab ka soo goosta ee ku soo biira Dowladda, si kuwa Shabaab k atirsan ay ugu noqoto wado ay soo maraan.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka warka qoraalka ah ee ka soo baxay waxaa lagu sheegay Mareykanka in Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda uu ka caawinayo arrimahan oo kale iyo wixii lamid ah, si loo sii wado geedi socodka nabadda.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa shalay Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Muqdisho inuu ka baxay Ururka Al-Shabaab, muddo hadda laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood, hadana uu wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka dhankeeda waxay sheegtay in ay wada hadal kula jirto wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow, ayna u mahadcelineyso cid walba oo kaalin ka geystay wada hadalka Abuu Mansuur.

HALKAN RIIX SI AAD U AKHRISATO WARKA KA SOO BAXAY MAREYKANKA