Taliyaha Ciidanka Uganda oo Muqdisho kula kulmay Amb. Madeira”SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya shalay waxaa soo gaaray General David Muhoozi oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF), kaasi oo u yimid howlo kormeer ah.

Wuxuu kulan la qaatay Gen. Muhoozi, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM Cusman Nuur Soubagle, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.

Dhinacyada ayaa waxa ay kawada hadleen xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya, tallaabooyinka la qaadayo si loo taageero geedi socodka nabadda, iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Shabaab.

General David Muhoozi oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF) ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ku amaanay kaalinta Soomaaliya u joogaan oo uu sheegay in ay shaqo fiican ka qabteen Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda ayaa booqan doona Saldhigyada Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ee Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna intaa kadib la kulmi doonaa Taliye qaybeedyada ciidamada Uganda.

Ugu dambeyntii Francisco Madeira ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee AMISOM ka midka ah ay hayaan shaqo wanaagsan oo uu uga mahadcelinayo shaqada ay ka hayaan Soomaaliya.