Chelsea Oo Dooneysa Inay £ 50m Kula Wareegto Daafac Bartilmaameed U ah Mourinho

Chelsea ayaa qarka u saaran inay dalab u dirto daafaca bidix ee kooxda Tottenham Danny Rose ka hor kulanka axada ee Wembley ku kulmayaan labada koox.

Sida ay shaacisay SunSport todobaadkii hore, Blues ayaa isha ku heysa xiddiga England, waxaana ay diyarinayaan dalab 50 milyan ah in ay ugudbiyaaan kooxdiisa Spurs.

Rose ayaa dhaleeceeyay qaabka kooxdiisa ugu lug yeelatay ​​suuqa kala iibsiga ciyaartooyda kadib wareysi uu siiyay wargeyska SunSport todobaadkii hore.

Kooxda Waqooyiga London ka dhisan ayaan wali kala cadeyn mustaqbalka daafaca reer England Rose, oo 27 sanno jir ah kaasoo garoomada dhaawac kaga maqan tan iyo bishii Janaayo.

Tababare Conte ayaa qarka u saaran inuu lasoo wareego Danny Drinkwater, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Ross Barkley.

Eden Hazard ayay u badan tahay inuu ciyaaro kulankiisii ​​ugu horeeyay Chelsea tan iyo markii uu soo gaaray dhaaawac canqawga ah bishii June.

Chelsea ayaa guuldarro ku bilaabatay xili ciyaareedkaan Premier League, laakiin kulanka ka dhacaya Wembley ayay rajeynayaan in ay wadada guusha kusoo laabtaan.