Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Garacad oo hoostaga Degmada jariiban ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas mantay ay soo gaareen maraakiibta dagaalka iyo diyaarado aan la garan halka laga leeyahay.
Qaar ka mid dadka deegaanka garacad ayaa sheegaya in ay arkeen Maraakiib iyo diyaaradu dul heehaabaya badda iyo beriga Garacad, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in maraakiibta ay hubaysan yihiin.
Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan doonyo ugu tagtay deegaanka garacad ee gobalka mudug.
Saarakiisha maamulka puntland oo aan la hadlanay ayaan sheegay in ay arintaas jirto laakiin aysan hada faahfaahin ka bixinayn.
WAXII KORDHA KALA SOCO RISAALA.NET


