Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Everton Ramiro Funes Mori, sida ay sheegayaan wararka.
Funes Mori ayaa kaga yimid kooxda Goodison Park River Plate xagaagii hore £ 9.5milyan, waxaana uu noqday mid si weyn kooxda ula qabsaday.
daafacaan 25-sano jir ah ayaa markii hore lagula saxiixday inuu keydka u fariisto Phil Jagielka iyo John Stones, hasa ahaatee horumarkiisa deg deg ah aya akeentay inuu kooxda koowad boos ka helo.
Funes Mori ayaa 37 kulan u saftay Everton xilli ciyaareedkan, waxaana uu soo bandhigay ciyaaro soo jiidasho leh.
Toffees oo ku dhameysatay kaalinta 11aad xilli ciyaareedkan Premier League ayaa laga ceyriyay tababare Roberto Martinez iyadoon weli loo magcaabin macalin cusub.
Everton ayaa ku guuleysatay xagaagii hore in ay ceshtaan John Stones, Ross Barkley iyo Romelu Lukaku oo ahaa magacyada ugu waweyn kooxda ee suuqa laga doonayay.
wakiilka Funes Mori Jorge Cyterszpiler ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu xiddiga xagaagan ka tago koxda, iyadoo sidookale xiiso ay u qabto kooxda Lazio.


