Benteke oo an hubin mustaqbalkiisa Liverpool

 Christian Benteke ayaa doonaya inuu wadahadalo ku saabsan mustaqbalkiisa la furo kooxda Liverpool ka dib markii uu xilli ciyaareedkan sabool ah ku qaatay kooxda.

Benteke ayaa lala xiriirinayay kooxo dhowr ah ka hor inta xagaaga uusan dhamaan, waxaana kujiraWest Ham, oo ku guul darreysatay in ay heshiiska xiddigan la meel dhigaan Reds.

Waxa uu ku yimid markii hore garoonka Anfield £32.5 milyan , isagoo dhaliyay kaliya 10 gool tartamada oo dhan 42 kulan oo uu saftay tan iyo waqtigaas.

kooxdiisa ayaan ciyaari doonin kubada cagta Yurub xilli ciyaareedka soo socda, ka dib markii Arbacadii ay 3-1 kaga kaga badisay Sevilla finalka Europa League,

Benteke ayaa sheegay kadib ciyaartasi in uu kala hadli doono mustaqbalkiisa macalin Jurgen Klopp si uu u qorsheysto halka uu ka ciyaari lahaa xili ciyaareedka 2016- ah 17.