Manchester United oo dooneysa In ay la soo saxiixato bedelka David De Gea

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay £ 12 million in ay kusoo qataan goolhayaha Galatasaray Fernando Muslera ka dib markii kooxda Turkish ay beeniyeen xiisaha Tottenham ay u qabaan goolhayahooda.

United ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso bedelka David De Gea oo u dhaqaaqaya Real Madrid xagaaga dambe in ay ka dhigaan goolhayahan.

Madaxweynihii hore ee Real Ramon Calderon ayaa shalay sheegay in De Gea, oo 25 jir ah, uu weli kujiro liiska kooxda reer Spain ‘.

wararka dalka Turkiga ayaa sheegaya in Red Devils ay lacag £ 12 million ah miiska ay u saarta goolhayaha kooxda Galatasaray Fernando Muslera.

Fernando Muslera ayaa dhowr jeer waxaa dalab u diray kooxda Tottenham,lakiin waa laga soo diiday in United ay hadda isku dayayso in ay soo xero geliso goolhayahan Fernando Muslera.