Manchester United oo badbaaday

Manchester United ayaa ka badbaaday cabsi ay kaga hari laheyd tartanka League Cup ka dib markii ay ku badiyeen 5-3 rigoorayaal ah , halka West Ham ay guuldarro 4-0 ah ka soo gaartay Oxford.

Kooxda dhibtooneysa ee uu hogaamiyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa barbaro 1-1 ah ku gashay Old Trafford ka dib markii 16 jirka Luk Matheson uu ka dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 76aad ee ciyaarta, iyadoo Utd hogaanka uu u dhiibay Mason Greenwood daqiiqadii 68aaad.

Man United ay halis ugu jirtay inay si sharaf dhac ah uga baxaan tartankaan, laakiin waxa ku badiyeen ugu dmabeyn 5-3 rigoorayaal ah iyadoo Daniel James uu rigooradii guusha dhaliyay kadib markii Sergio Romero rigooradii labaad ka qabtay ciyaartooyda Rochdale katirsan ee Jimmy Keohane.

In kasta oo United ay ka fogaatay ceeb ka soo gaari laheyd kooxda kaalinta 17-aad ee ciyaarta League One, haddana wali waxaa jira su’aalo cusub oo ku saabsan awooda Solskjaer uu kusii maamuli karo kooxdan.

United ayaa kujirta booska sideedaad ee Premier League ka dib guuldaradii Sabtidii ka soo gaartay West Ham taasoo ka dhigeysa inay keliya labo guul gaareen lix kulan oo ay ciyareen.

Liverpool ayaa guul 2-0 ah ka gaartay kooxda heerka seddexaad ee MK Dons iyadoo Harvey Elliott uu noqday ciyaaryahankii ugu yaraa ee kusoo bilowda xalay kooxda Reds.

16 jirkan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo laba jeer ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto, xilli James Milner iyo Ki-Jana Hothing goolasha u dhaliyeen Reds.

Frank Lampard ayaa guushii ugu horeysay isagoo ah macalinka Chelsea ka gaaray tartankaan kadib markii 7-1 kooxdiisa ay kaga badiyeen kooxda heerka 4aad Grimsby.

Ross Barkley ayaa furay goolasha iyadoo Michy Batshuayi laba jeer shabaqa soo tabtay

Pedro, Kurt Zouma, Reece James iyo Callum Hudson-Odoi ayaa sidookale goolal ka dhaliyay kulankaan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England ayaa markiisii ​​ugu horeysay u saftay Chelsea tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac bishii Abril.

Lampard wuxuu fursad siiyay afar ciyaartooy oo kasoo qalin-jebiyay Akadeemiga kuwaasoo kusoo bikowday kulankii xalay.

Gilmour oo qad dhexe ka ciyaara, James iyo Marc Guehi ay sidoo kale kamid ah da,yartii xalay qeybta ka ahaa kooxda Chelsea.