Ilkay Gundogan ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Pep Guardiola u dhaqaajiyo kooxda Manchester City, markii uu kala wareegay heshiis £ 21m kooxda Borussia Dortmund.
Gundogan ayaa heshiis afar sanno ah u saxiixay kooxda Premier League ciyaarta ee City.
“Waxa dareensan yahay inuu noqon karo ciyaaryahanka Manchester City ku guuleysta,” ayuu yiri. “Waa cutubka cusub oo nolosheyda ah aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro Manchester City.
“Waa inaan u mahadceliyo Pep Guardiola kaasoo aan kala hadlay wax badan oo ku saabsan in aan u dhaqaaqo halkaan.
sidoo kale Ferran Soriano iyo Txiki Begiristain oo si weyn iga dhaadhiciyay xaalda Manchester City ayaan u mahadcelinayaa.
“Si aad kaga ciyaarto Premier League islamarkaana ay ugu ciyarto mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Premier League, waa tartan weyn Aad ayaan ugu faraxsanahay in ku biiriyo qoyskayga Manchester City.”
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda dhaawac ku seegaya xulka Germany ee ciyaaraha Euro 2016 ka qeub galaya sabab la xiriirta dhawac uu ku maqnaan doono shan bilood.
Gundogan, oo 25 jir, ayaa ahaa ciyaaryahan muhim u ah kooxda Dortmund intii lagu gudajiray shan sano oo uu kooxdan kusugna waxaana uu kula guuleystay Bundesliga iyo saddex koob oo Jarmal, isagoo la gaaray finalka Champions League.
Waxa uu saftay 157 kulan intii uu joogay Dortmund isagoo 16 kulan u saftay ciyaaraha heerka caalamiga ah.


