Man Utd oo Arbacada sameyn doonta saxiixeedii ugu horreeyey ee xagaagaan

Victor Lindelof ayaa maalinta Arbacada ah dhammeystiri doona heshiiska uu ugu soo wareegayo kooxda Manchester United, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Daafaca kooxda Benfica ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey kooxda ka dhisan Old Trafford iyadoo tababare Jose Mourinho uu xiddigaan u arko mid xoojin kara qorshaha daafaca kooxdiisa xagaagaan.

Mourinho ayaa isku deyey inuu lasoo saxiixdo xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden bishii January ee horraantii sannadkaan balse markaas wuu ku guuldarreystay saxiixiisa.

Balse haatan Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay gacanta kusoo dhigto 22 sanno jirkaan Victor Lindelof iyadoo kusoo jiidaneysa ka ciyaarista tartanka UEFA Champions League ka dib markii ay soo hanatay koobka UEFA Europa League.

Majaladda The Sun ee dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa inuu Victor Lindelof maalinta Arbacada ah dhammeystiri doono heshiiska uu ugu soo wareegayo Man United isagoo kasoo dhaqaaqaya kooxda reer Portugal ee Benfica, adduun lacageed dhan 35 milyan oo ginni ayeyna Red Devils kula soo saxiixan doontaa.

Lindelof ayaa Talaadada ciyaari doona kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay xulkiisa Sweden wajahayaan xulka qaranka Norway.

The Sun ayaa sheegeysa inuu ciyaartaas ka dib Victor Lindelof usoo duuli doono magaalada Manchester isagoo tijaabada caafimaadka u mari doona Man Utd ka hor inta uusan qalinka ku duugin qandaraas shan sanno ah, wuxuuna noqon doonaa saxiixoodii ugu horreeyey ee xagaagaan.

Xigasho Gool.net