Man United oo ka baxday saxiixa Ciyaaryahan Paulo Dybala

Kooxda Kubadda Cagta ee Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah uga baxday saxiixa Ciyaaryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala.

Xiddiga reer Argentina ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo United maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo kooxda Ingiriiska ay sheegtay inay aqbaleen heshiis isdhaafsi ah oo Romelu Lukaku ugu wareegayo Juventus.

Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu hakad geliyay u dhaqaaqistiisa Old Trafford, inkastoo 25 jirkaani la sheegay inuu ka walaacsan yahay fursada kooxdan aysan ku ciyaareyn Champions League.

Dhanka kale, xidigan reer South America ayaa si maldahan u sheegay inuu ka fiirsan doono u dhaqaaqida kooxda heysata 20ka jeer horyaalka Ingariiska hadii loo soo bandhigo qandaraas ku kacaya £ 350,000 isbuucii.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan ka baxday heshiiska ka dib markii ay ka caroodeen diidmada Dybala ee ah inuusan dooneyn ka tagista heysata horyaalka Talyaaniga.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in dalabka mushaarka ciyaaaryahankaan iyo lacagta wakiilkiisa uu dalbaday ay keentay inay United hoos u dhigto xiisaheedii ay u qabeen ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga isbuuca soo socda.

Lukaku ayaa horeyba la rumeysan yahay inuu heshiis ula galay Juve, inkastoo Inter Milan la sheegay inay wali ugaarsaneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium.

United ayaa ololaheeda Premier League ku furan doonta garoonkeeda marka ay wajaheyso Chelsea isbuuca soo socda, halka Harry Maguire laga yaabo inuu kulankiisii ugu horeysay u safto kooxdan.