Dhageyso:-Shabaab oo la sheegay inay dhexgaleen hay’adaha amniga & dhaqaalaha

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dhaliilay qaabka Hay’adaha Amniga soomaaliya ay u wajahaan sugida Amniga dalka, isaga oo sheegay in Al-Shabaab ay dhex galeen Hay’daha Amniga iyo Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Muqdisho ayuu sheegay Siyaasiga in Shabaab lacago Canshuur ah ay ka qaadaan Goobaha Ganacsiga ay leeyihiin dadka Shacabka ah iyo goobaha ay maamusho dowladda sida Dekadda Muqdisho.

Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda ay gabtay Shaqadii loo igmaday,isla markaan ay wadaan inay siyaasiyiin lka dirirto kala qeybinta baarlamaanka,waxana uu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.