Saddex Ruux oo ku geeriyootay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Balcad

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah degmadaas lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah,isla markaana rasaastaas ay ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Gaariga la rasaseeyay oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ayaa noociisu ahaa NOHA,waxaana kuu kusii jeeday degmada Balcad,hayeeshee la sheegay in Kooxo Burcad ah ay rasaaseeyeen xilli uu marayay deegaanka Masala oo u dhow degmada Balcad una dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad.

Dad ku sugan degmada Balcad ayaa Idaacadda Risaala waxaa ay u sheegeen in gaarigaas la rasaaseeyay ay ku geeriyoodeen Gabar ka mid aheyd Rakaabka oo lagu Magacaabi jiray Safa Maxamed Xaaji, Darawalkii Gaariga oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Asad iyo Nin Oday ahaa.

Qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Ehelada dadka rasaaastaas ku waxyeeloobay ayaa gurmad u sameeyay Gaariga la rasaaseeyay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka iyo dad dhaawacmay.

Kooxihii Burcada ahaa ee ka dambeeyay rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay Goobta ka baxsadeen,waxana falkaan weli ka hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ee ee gobolka Shabeellaha Dhexe.