Man City oo qarka usaaran xiddig bartilmaameed u ahaa Barcelona

Manchester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo Leroy Sane sida ugu dhakhsaha badan madaama xiddiga Schalke kooxo badan ay doonayaan.

Sida laga soo xigtay RAGG katirsan City , kooxda ayaa isha ku haysa xiddiga qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara muddo bilo ah iyadoo isku diyaarineysa inay dalab £ 30million miiska u saarto.

labada jeer kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa go’aansatay in ay lasoo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka bishii January, lakiin uma suurta gelin.

Laakiin ka dib markii Joachim Low uu ugu yeeray Sane Euro 2016 City ayaa xoojisay dadaaalka ay kula soo wareegeyso ciyaaryahankaan.

Pep Guardiola oo shaqada kala wareegaya Manuel Pellegrini toddobaadyada soo socda ayaa isku dayi doona saxiixa xiddigan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.