Man City oo ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka Spain Nolito

Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa ciyaaryahanka reer Spain Nolito, kasoo muddo bartilmaameed xoogan u ahaa.

weeraryahanka 29-sano jir ah, kasoo ku qaatay seddex xilli ciyaareed kooxda Celta Vigo, ayaa saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu kooxda Manchester City ugu ciyaarayo,

Tababaraha cusub ee City Pep Guardiola ayaa hore u soo iibsaday Ilkay Gundogan oo kaga soo biiray Borussia Dortmund £ 20m, sidoo kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee Australian Haaruun Mooy ayuu keensaday.

Nolito ayaa kusoo bilowday dhamaan afartii kulan ee Spain Euro 2016 ka ciyaaareen, ka hor inta wareega 16ka qasaro aysan kala kulmin xulka Italy.

Barcelona oo aaad u dooneysay ciyaaryahanka ayaa kaga dulqaaday,waxaana saxiixii sadexaad ee uu ku dhawaaqo macalin Pep Guardiola tan iyo markii uu yimid Manchester City.