Barçelona oo Go’aan rasmi ah ka gaartay mustaqbalka Arda, Bravo, Ter Stegen iyo Mascherano

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu, ayaa xaqiijiyay liiska ciyaartoyda aan la iibin ama amaah aan looga diri doonin kooxdiisa xili ciyaareedka soosocda,

Ciyaartooyda kooxda koowaad qeybta ugu muhiimsan kaga jjira ayuu kudara afarta xiddig ee kala ah Claudio Bravo, Marc-André ter Stegen, Javier Mascherano iyo Arda Tura Barcelona.

Sergi Samper iyo Alen Halilovic ayaa amaah ku maqan, inkasoo kooxda laga yaabo in ay dib usoo celiso xili ciyaareedka soosocda.

labada shaqsi ee macalin Luis Enrique iyo Messi ayaa sidookale heshiis cusub saxiixi doona sida ugu dhaqsiyaha badan sida uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id .madaxweynaha  Barcelona Josep Maria Bartomeu.

Ter Stegen iyo Bravo: “Labada waxay ka mid yihiin goolhayayaasha ugu fiican aadduunka, Midkoodna kama tagi doono kooxda xilli ciyaareedka soo socda, waana go’aaminay mustaqbalkooda ayuu yiri Josep Maria Bartomeu.

Mascherano: “waxa uu sii joogi doonaa kooxda daaafacaan, Xaqiiqdu waxay tahay in uusan ka tageyn Barcelona, waa mid aad u adag runtii ciyaartoyda muhiimka ah sida Mascherano in ay kooxda fasaxdo waqtigaaan.

Arda Turan: waxa uu kaliya joogaa halkaan lix bilood ,mana jirto sabab uu u dhaqaaqo, waxaan dooneynaa inuu si joogo muddo dheer kooxda, ayuu yiri  Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu”

Dhamaan ciyaartooydaan ayaa ahaa kuwo mustaqbalkooda Barcelona shaki weyn uu kujiray, iyadoo hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Barcelona dhabar jab uu ku yahay kooxo badan oo xiiseynayay saxiixooda.