Mamadou Sakho Oo Iska Bedelay Lambarkii Uu Xiran Jiray Xilli Ay Shuruud Adag Hordhigtay Liverpool

Daafaca kooxda Liverpool Mamadou Sakho ayaa laga dalbaday inuu saxiixo maaliyad kasta oo uu ku xardhan yahay lambarkiisii hore ka dib markii uu ka wareegay maaliyadda lambarka 17aad isla markaana uu qaatay lambarka 3aad.

Daafaca heerka caalami ee dalka France ayaa qaatay lambarkaan oo bannaanaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyadoo wax ka yar hal bil ay ka harsan tahay bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka England Premier League 2016 illaa 2017.

Si kastaba ha ahaatee, si ay Liverpool uga fogaato caro kaga timaada taageereyaasheeda iibsaday maaliyaddaan ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, Sakho ayaa laga dalbaday inuu saxiixo maaliyad kasta oo uu ku xardhan yahay magaciisa iyo lambarkiisii hore ee 17aad.

Sakho wuxuu raaci doonaa jidkii uu qaaday gooldhaliyaha Manchester City Sergio Aguero, kaasoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay saxiixay maaliyad kasta oo uu ku xardhan yahay lambarkiisii hore ee 16aad ka dib markii uu u wareegay lambarka 10aad.