Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNICEF ayaa maanta kormeeray isbitaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha ka socotay UNICEF ayaa kormeeray dawooyinka ay ku shaqeeyaan isbitaalada Kismaayo sidoo kale qalabka ay ku howlgalaan.
Maamulada isbitaalada magaalada Kismaayo ayaa uga warbixiyay saraakiisha ka socotay UNICEF xaalada isbitaalada Kismaayo iyo sidoo kale baahiyaha ka jira isbitaalada .
Saraakiisha Hay’adda UNICEF ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka kunool Kismaayo ay helaan daryeel caafimaad oo ku filan.



