Malala Yousafzai oo ah gabar u ololaysa xuquuqda waxbarashada ayaa sheegay in xaalada haween Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya , gaar ahaan xerada qaxootiga Dhadhaab ay heysto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Malala Yousafzai ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed iyo sidoo kale caruurtooda ay muhiim tahay in ay helaan waxbarasho iyo sidoo kale daryeel.
Waxay sheegtay in dib loogu celiyo Soomaaliya ,iyaga oo ku jira xaalad adag in ay sii xumeyn karto nolosha oo ay hada ku sugan yihiin.
Malala Yousafzai ayaa sheegtay in dowladda Kenya looga baahanyahay in dib uga laabato go’aankeedii ku aadana dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.
” aad ayaan u murugooday markaan arkay xaalada ay ku sugan yihiin haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ,waa in la sameeyaa gargaar deg deg oo isku jira waxbarasho iyo daryeel” sidaas waxaa tiri Malala Yousafzai
Abaalgudka caalamiga ah ee nabadda Nobel Peace Prize ayaa sanadkii 2014 sheegay in Malala Yousafzai ay noqotay qofkii dunida ugu da’yaraa Nobel Peace Prize la siiyo
Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada gabdhaha.
Waxa ay booqasho ku tagtay xerada qaxootiga ee aduunka ugu weyn si ay u aragto xaalada ay kunool yiihiin dadka qaxootiga ah.


