Ra’iisal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa bilaabaya maalintiisii ugu danbaysay ee shaqada intuusan xilka ku wareejin Theresa May.
Mr Cameron ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii ay Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.
Wuxuu qaban doonaa su’aalaha ra’iisal-wasaaraha ee baarlamaanka ee la qabto Arbacada oo ah tii ugu danbaysay ee uu qabanayo, ka dib wuxuu tagi doonaa guriga boqortooyada ee Buckingham Palace, si uu ugu gudbiyo iscasilaadiisa.
Theresa May oo badalaysa ayaa balanqaaday inay hirgaliso go’aanka Britain ka bixida Midowga Yurub.


