Waxaa lagu wadaa in goordhow uu Magaalada Muqdisho ka ambabaxo wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku wajahan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo furitaanka shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Baydhabo.
5-tii Bishaan ayaa qorshuu ahaa in uu sHirka ka furmo Magaalada Baydhabo balse uu dib uga dhacay sababo la xiriira tabashooyin ay weli qabaan musharixiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, hayeeshee aan weli la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka.
Xalay Musharixiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay amniga goobta lagu qabanayo shirka ee ah xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo,iyaga oo dalbaday in dhammaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed laga saaro laguna wareejiyo Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.



