Somaliland oo facmo shisheeye ku eedeysay Arrinta Magaalada Laas-Caanood

Musharraxa madaxwayne ee xisbiga Waddani  ee Somaliland oo ka hadlay xaaladda Magaalada Laascanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku eedeeyay ‘in gacmo shisheeye ee hurinayaan coladeed Gobolka  Sool.

Musharraxa oo la hadlay Voa-da wuxuu ugu baaqay inay faraha kala baxaan, isaga oo sidoo kalena ku baaqay in guddi loo saaaro arrintan six al looga gaaro maadaama dhibaatada ugu daran ay soo gaareyso dadka Shacabka ah.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ammaanka Gobolka Sool iyo Shacabka kunool uu saaran yahay Xukuumadda Somaliland si lamid ah gobolada kale ee Somaliland, isaga oo sidoo kale shacabka ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan.

Hadalka Musharraxa madaxwayne ee xisbiga Waddani  ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Laas-Caanood ay Shacab careysan kala wareegeen Ciidamada Somaliland oo muddo ku sugnaa kadib rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay.