Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gudoomiyay shir Xasaasi ah oo go’aanno laga soo saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta waxa loogu teero argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada. Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.