Guri ku yaala Bloominton Avenue ee koonfurta magaaladda Minneapolis ayaa waxaa jabay tuunbooyin biyo ah oo sababay in dhamaan dadkii guriga degenaa banaanka loo saaro, wakhti baddana ay taagnaadaan qabowga.
Biyaha dhismahaas ku furmay ayaa sababay in ay guryihii oo keentay in dhamaan dadkii guryaha degenaa carruur iyo Dadka Waaweyn banaanka istaagaan iyadda oo lagu jiro xiligii qabow oo ay cimiladu tahay qabow.
Shaqaalaha gurmadka dab-demiska ayaa mudo dheer kaddib ku guuleystay in ay qaar kamid ah tuunbooyinka biyaha ee jabay xidhaan. Arrintan ayaa dhacday wakhti xili dambe ah oo ay dadku jiifeen, magaaladda, xafiisyadda iyo dhamaan meel walba xidhan yihiin.
Qoysaska qaarkood ayaa waxaa u soo gurmaday oo u yimid oo qaboowga ka qaaday dad iyo ehel iyo qaraabo yihiin. Sidoo kale waxaa jira dhowr guri oo nasiib wanaag ka badbaaday biyaha.



