Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa dalka Kenya oo Maanta Kulmaya

Madaxweynaha JFS Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Nairobi  Caasimadda dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Kenya ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxigay oo uu maalmahan ku kala bixinayay waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalka kala hadlay arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa loo soo galbiyay hotelka ay ka degayaan mahaalada Nairobi, waxaana Madaxweynaha la qorsheynayaa in  maanta uu Qasriga Madaxtooyada Kenya kula kulmo dhigiids dalka Kenya William Ruto oo ay ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socdo oo uu qeyb ka yahay Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay socdaal ku soo mareen dalalka Uganda, Burundi iyo Djibouti halkaasi oo uu Madaxda dalalkaasi kala hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeyo.