Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa maanta booqasho ku tagay Israa’iil, taas oo ah booqasho uu ku marayo Bariga- Dhexe, taas oo uu ku doonayo in lagu soo soo nooleeyo wada-hadallada xabbad-joojinta ee Qasa, loogana wada-hadlo mustaqbalka ka dib geeridii hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar. laakiin horumar kasta oo ka hor doorashada Maraykanka ee fooda innagu soo haysa ayaa u muuqda mid aan la filayn.
Dublamaasiga ugu sarreeyay ee Maraykanka ayaa socdaalkiisan noqonayaa kii kow iyo tobnaad ee ku tagayo Bariga Dhexe tan 7-dii October ka dibna uu qarxay dagaalka Qasa.
Blinken, ayaa safarkiisa la qorsheeyey inuu qaadan doono toddobaad kaas oo uu ku tegi doono Jordan iyo Qadar.
Israa’iil ayaa sheegtay inay ka jawaawi doonto gantaaladii Bishan bilowgeedii ay Iran ku garaacday Israa’iil.
Aargoosigan ayaa laga welwelsan yahay inuu khalkhal galin karo suuqyada shidaalka waxayna halis ugu jirtaa in ay sii huriso dagaal ba’an oo dhex mara dhinacyada.
Dhanka Qasa, Blinken waxa uu diiradda saari doonaa doodaha ku saabsan sida loo soo afjari karo dagaalka, qorshayaasha deegaanka ka dib marka dagaalku dhamaado iyo sidii loo hagaajin lahaa gargaarka bini’aadantinimo, ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo ka hadlayay xaalad aan la magacaabin.
Toddobaadkii hore Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa u qoray saraakiisha Israa’iil l iyagoo dalbanaya tillaabooyin la taaban karo si wax looga qabto xaaladda ka sii daraysa ee Qasa, ama ay wajahaan xannibaado suurtagal ah oo ku saabsan gargaarka militariga Mareykanka.



