Madaxweyne Xasan oo u amba baxay dalka Jabuuti

Wefdi ballaran oo uu hogaaminaayo  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay galabta u amba baxeen Magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti halkaas oo dhawaan lagu wado in lagu qabto caleema saarka madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wefdiga Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in Axadi berrito ah ay dalkaasi kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuryadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafuud caalamiya oo ka qeyb galaysa caleema saarka hogaamiyaha Jabuuti ayaa kusoo qulqulaysa dalka Jubuuti,waxaana maanta halkaas gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali