Madaxweyne Sarkozy oo lagu helay dambi musuq-maasuq

FILE - In this Oct.29, 2020 file photo, former French President Nicolas Sarkozy attends a ceremony in Nice, southern France. Former French President Nicolas Sarkozy wants authorities to drop an investigation into alleged illegal financing of his 2007 campaign by the regime of late Libyan leader Moammar Gadhafi. A French-Lebanese businessman this week backtracked on claims he made in 2016 that he had handed Sarkozy suitcases of Libyan cash (Valery Hache; Pool via AP, File)

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta.

Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda.

Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa.