Koox hubeysan oo wariye ku dilay Gaalkacyo

Waxaa goor dhow lagu dilay Magaalada Gaalkacyo Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo Qeybta Puntland oo uu kunoolaa.

Jamaal ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgalla degaanada maamulka Puntland, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay idaacadda lagu Magacaabo Daljir.

Dilka ayaa ka dhacay Agagaarka xero Siinay.

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku doonayaan in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka.