Madaxweyne Obama oo booqanaya Cuba

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa booqasho taariikhi ah ku tagi doona magaalada Havana ee caasimada Cuba, waana madaxweynihi ugu horeeyay ee Mareykan oo booqda dalkaasi muddo 90-sano ah kadib.

Wadamada Cuba iyo Mareykanka ayaa cilaaqaadkooda uu aad u xumaa tan iyo sanadkii 1959, xilligaasoo Xukuumadii uu Mareykanka taageerayay ee Cuba uu afgambiyay Fidel Castro.

Madaxweyne Obama ayaa booqashadiisu waxay albaabada u furi doontaa xiriir wanaagsan oo u billowda Mareykanka iyo Cuba.

Madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa la filayaa inuu soo dhoweeyo Madaxweyne Barack Obama, iyagoo yeelan doona kulan ay ku kala saxiixandoonaa heshiis iskaashi oo ay yeeshaan labadaasi dal.

Mareykanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogay Cuba, xilligii uu taagnaa khilaafkii labada dal u dhaxeeyay, waxaana lagu wadaa in Aqalka Congress-ka Mareykanka ay cod u qaadaan qaadista cunaqabateynta.