Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo Geeriyooday

General Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeen iyo taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Maxamed Cali Samatar ayaa la soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana lagu amaanaa in uu in waxbadan ka yaqaanay arimaha ciidanka.

Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu xalay ku dhintay.

Ehelada Marxuum ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay geerida ka timid alle ha u naxariiste Maxamed Cali Samar .