Dowladda Rwanda ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalyahano lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo shalay lagu dilay dalka Rwanda.
Booliska dalka Rwanda ayaa sheegay in ay dileen saddex xubnood ka tirsan Al-Shabaab , kuwaa soo la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay weeraro ka geystaan magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda.
Dowladda Rwanda ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Degmada Rusizi oo ay dhacdaan ka dhacday ayaa ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay ka war heleen xubno lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo goobta isku aruursanaaya ka dibna iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidanka Booliska iyo sidoo kale kooxaha la dilay in ay suurta gashay in ay toogtaan ciidanka Booliska.
Sano Nkeramugaba oo ah taliyaha qeybta booliska degmada Rusizi ayaa sheegay in kooxaha dilka loo geystay ay weerar damacsanaayeen , laakiin ay ka hortageen.
” Baaritaano horu dhaca ah ayaa tilmaamaya in ay raggaasi qorshaynaayeen in ay sameeyeen urur argagixiso ,waxaana aaminsanahay in raggaan ay gacan saar la lahaayeen ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama dalka aan dariska nahay ee Kenya iyo sidoo kale dalka Soomaaliya , laakiin ciidanka ammaanka Rwandan marwalba waxa ay ku jiraan heegan buuxa” ayaa lagu yiri war ay soo saareen ciidanka Booliska dowladda Rwanda.
Dowladda waxay sheegtay in magaalooyinka kala duwan ee dalka Rwanda ciidanka ammaanka heegan buuxa la geliyay si ay uga hortagaan weeraro ay geystaan Al-Shabaab.
Bishii January ciidanka Booliska dalka Rwanda ayaa toogtay nin muslim ah oo lagu tuhmay in uu shabaab gacan saar la leeyahay.


