Gedo-RisaalaFM- Waxaa barkhanimadii maanta degmada Doolwow ee gobolka Gedo gaaray Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga uu hogaamniyay Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo safarka ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka ayaa Risaala usheegay in ujeedka safarka uu yahay sidii xal looga gaari lahaa Muran ka taagan gobolkaasi Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in maalmihii udambeysay ay xiisad yar ka dhex taagneyd maamulka gobolka Gedo balse waxa uu sheegay in arimahaasi la dhameyn doono sidoo kalena mardambe aysan soo laaban doonin.


