Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xeryaha ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen Xerada Ciidanka PSF ( Puntland Security Forces) waxaanay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamadii guusha kasoo hooyey dagaalkii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha alshabaab, waxaanay ciidamadaasi adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka loogu talo galay dagaallada goobaha qararka iyo buuraha ah.
Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa waxay uga warbixiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka guulihii taarikhiga ahaa ee ay kasoo hooyeen dagaalkii ay sharwadayaasha Al-shabaab kaga sifeeyeen deegaanada Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaadheen sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay cagta mariyaan cadow walba oo isku daya in uu wax u dhimo nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho taa lamid ah waxay ku tageen xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii sharwadayaasha al-shabaab, kuwaas oo bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.



