Madaxweyne Farmaajo oo shir kaga qeyb galaya Xarunta Ciidanka AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir looga hadlaayo abaaraha dalka ka jira waxaa uu kaga qeyb galaya xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Waxaa ka qeyb gali doona  Shirkaan xubno ka socda Beesha Caalamka  iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ayaa inta uu socdo waxa lagu falaqeyn doonaa Abaaraha dalka ka jira.

Shirkaan ayaa imaanaya xilli Abaaraha ka jira dalka ay sii baahayaan , islamarkaana kumanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan abaaraha.