Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen dilalka iyo dhaca loo geysanayaan dadka Soomaaliyeed ee goobaha ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa arintaas waxaa ka hadlay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koomfur Afrika Jamaal Maxamed Barow.
Safiirka ayaa sheegay in la dilo dadka Soomaaliyeed in ay ka dambeyso dadka koonfur Afrikaanka ah oo u arka in ay hayaan shaqooyinka ay qaban lahaayeen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay ka sareeyaan Xirfadda Ganacsiga Koonfur Afrikaanka sidaas darteedna ay isku dayaan in ay dilaan Soomaalida si ay u shaqeystaan iyaga kaliya.
Dowladda Koonfur Afrika ayuu sheegay in uu kala hadlay arintaasi , islamarkaana ay u balan qaaday in ay wax ka qaban doonto.
Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa dadka u dhashay dalkaasi waxaa ay kala kulmaan dhac iyo sidoo kale Boob.


