Mo Farah: “Aniga qalad ma sameynin”

Mo Farah oo u orda dalka Britain ayaa sheegay inuu yahay “Orodyahan ee dembi galin” ka dib markii tababarihiisa lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda la dagaallanka daawada awoodda jirka kordhisa ee Doping-ka.

Salazar ayaa lagu eedeeyay inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa uu siiyay daawada kordhisa awoodda jirka si ay u guuleystaan.

Warbixin qarsoodi ah oo ay dusisay wakaaladda la dagaallanka Doping-ka ee Mareytkanka (USADA) ayaa eedaha soo jeediyay.

“Haddii USADA ama wakaaladaha kale ay hayaan cadeyn ah inaan qalad sameeyay, waa inay daabacaan, ayna tallaabo qaadaan, halkii warbaaahinta lagu gudbin lahaa cambaareyn”, ayuu yiri Mo Farah, oo asalkiisa ka soo jeedo Soomaaliya.

Mo Farah wuxuu ku guuleystay orodka 5,000m iyo 10,000m, labadii ciyaaro ee Olympic-gga ee ugu dambeeyay.